Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa goordhaw ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoosyada Fagax iyo Sanca ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan lala eegtay masuul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa miino lagu qariyay meel qashin yaalay, waxaana qaraxa lala eegtay gaari la sheegay in uu la socday Gudoomiyaha degmada Yaqshiid oo xiligaasi marayay wadada.

Lama soo sheegin ilaa hada khasaaro nafeed oo ka dhashay qaraxan miino, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray baaritaanana ka sameeyay ciidamo katirsan nabad sugida iyo booliiska.

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay qaraxyada miino ee lala eegto gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowlada, waxaana qaraxyadan mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaaf oo mar kale shaaciyay in Dowlada Federaalka dagaal adag kula jirto maamulkiisa

Cabdi Cade

Faah faahino kasoo baxaya dil muwaadin Soomaaliyeed loogu geestay dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade

Guddiga Doorashooyinka Qaranka loo xil saaray oo Warbixin laga dhageystay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---