Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Federaalka oo xayiraada ka qaadeysa Jubbaland iyo Axmed Madoobe oo Shuruudo…

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in heshiisyo hoose gaareen dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Wadahadlo albaabada u xirnaayeen oo Axmed Madoobe la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa lagu soo waramayaa in ay ku gaareen is faham horu dhac ah iyo in laga heshiiyo khilaafyo badan oo taagnaa.

Sida aan wararka ku helnay dowlada federaalka ayaa ogolaatay in xayiraadihii dhanka safarka iyo lacagaha laga qaado maamulka Jubbaland si u yimaado iso soo dhawaansho maamulkaasi iyo dowlada federaalka dhax mara.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shuruudo badan ku xiray heshiis buuxa uu la gaaro dowlada federaalka, waxaana shuruudahaasi kamid ahaa in dowlada u aqoonsato Madaxweyne rasmi ah oo mudo xileedkiisu afar sano yahay.

Madaxda dowlada federaalka iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaana u balamay wadahadalo kale oo lagu dhameenayo khilaafka u dhaxeeya dowlada federaalka iyo maamulka Jubbaland oo mudo sanad ka badan aan xiriir la laheyn dowlada federaalka.

Dowlada federaalka ayaa dooneysa in meesha ka saarto isbaheysiga maamulada Puntland iyo Jubbaland oo caqabad ku noqday, waxa ayna dowlada dooneysaa in labadaasi maamul siyaabo kala duwan ula heshiiso si doorashada dhaceysa is faham ugu dhamaato.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal dmar sii horeesay kasoo baxay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay Madaxweyne KMG ah oo mudo xileedkiisu yahay 2-sano, waxaana go’aankaasi kasoo horjeestay Madaxweyne Axmed Madoobe

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor-qoor oo safar dhulka ah ku gaaray deegaanka..(Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Laba Maxbuus oo Warqad hadal heyn abuurtay ku reebay Xabsi ay ka baxsadeen !!

Cabdi Cade

Dibed-bax saaka ka bilowday Muqdisho iyo jid Muhiim ah oo ku xirmay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---