Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalo khasaare geystay oo ka dhacay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Dagaalo ayaa ka dhacay maanta xaafada Kaawo godey oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, kaasoo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda oo qaab beeleed u  abaabulan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan oo la isku adeegsanayo qoryaha fudud uu daba socdo dagaal kooban oo shalay ka dhacay isla xaafadan kaasoo uu ku geeriyooay hal ruux labo kalena ay ku dhaawacmeen,

Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay guri halkaasi laga dhisayo oo la isku heysto sida dadka degaanku ay sheegayaan.

Shacabka Xaafada Kaawo godey qeybta degmada Dharkeynley ayaa sheegaya in mar kale maanta uu dagaal halkaasi ka dhacay, balse weli aysan xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay.

Waxaa kacsan xaalada, iyadoo weli la maqlayo rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay is  isweydaarsanayaan.

Goobta lagu dagaalamayo ayaa kaabiga ku heysa Ex-Warshadii Nacnaca oo hadda ah Xarun lagu tababaro ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Maamulka degmada Dharkeynley ayaan illaa hadda waxba ka qaban, hadalna ka soo saarin dagaalada ka socda qeybo ka mid ah degmadaas, taasoo niyad jab ku abuurtay shacabka ku nool xaafadaha lagu hardamayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labada aqal ee Baarlamanka Somalia oo yeeshay kulan looga hadlay ajende xasaasi ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Bashar al-Assad oo 11-sanno kadib Booqasho ku tagay Dal Carbeed (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ka dalbatay inay deg deg u joojiso xukunnada dilka ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---