Madaxweynaha HirShabeelle Mohammed Abdi Waare ayaa caawa Khudbadii ugu xiisaha badneyd ka jeediyey shirweynaha Wadatashiga Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo caawa lagu soo gebagebeeyey Dhuusamareeb.
Waare ayaa ku baaqay in sida ugu suuragalsan ay tahay in loo qabto doorashada dalka “Fuusto dabada ka duleesha yaan biya ku dhaamin,wixii wadanka waqtigaas ka suura gala aan sameyno” ayuu yiri Waare. Mar uu soo hadal qaaday Xildhibaanada kursigooda ka xawilay degaanadii laga soo doortay markii hore ayuu sheegay in xildhibaanadaas ay yihiin kuwo aan isku kalsooneyn.
“Xildhibaankii kursigiisa dhabarka saartay ama la cararay ha ogaado, hana ku Bishaareysta Xildhibaankaas sooma noqonaayo, sababtu ayadoo aan doorashaba dhicin ayuu muujiyey in dadkiisu aysan ku kalsoonayn” ayuu yiri Madaxweyne Waare.
HOOS KA DAAWO HADAL JEEDINTA WAARE OO DHAMEYSTIRAN:-
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.