Fagaare ku yaalla degmada Sablaale ee gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ka dhacay xukun dhagax lagu dilaayey haweenay la sheegay iney fal zina ah ku dhacday.
Maxkamadda Islaamiga Sh/Hoose ayaa maanta Barqadii Xukun Rajmin (Dhagax dil ah) Ku Fulisay Haweenaydan oo lagu magacaabo Shukri Cabdullaahi Warsame oo lagu eedeeyey iney hal Mar 11 Nin isla guursatay.
Qaadiga Maxkamadda islaamiga Sh/Hoose oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka lagu riday haweenayda ayaa sheegay inay qiratay dhammaan dambiyada lagu soo eedeeyay oo ahaa inay guursatay 11 Nin hal mar.
Dadkii soo xaadiray fagaarihii xukunkan lagu fulinayey ayaa aad ula yaabay dhacdadan waana arrin mar la arag ah in haweenay ay hal mar wada guursato 11 Nin oo aan iska warqabin.
Shukri Cabdullaahi oo 30 jir ahayd ayaa guursatay 11 nin, waxaana ka dhintay hal nin mid kalana wuu furay, iyadoo haatan si qarsoodi ah xaas ugu ahayd 9 Nin sida laga sheegay goobta uu ka dhacay xukunkan.
Waxa ay ahayd hooyo leh 8 caruur ah oo todobo ka mid ah ay u dhashay ninkii ugu horeeyay ee waalidkeedu ay siiyeen laguna ogaa.
Shukri ayaa waxaa isku qabsaday laba nin oo mid kasta uu ku doodayey inay xaas u aheyd, kuwaasoo u dacwooday Maxkamada Al-shabaab, waxaana markii dambe soo baxay rag kale oo iyaguna sheegaya in shukri ay u dhaxday oo xaas ay u ahayd.
.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com