Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ajendaha Shirka DhuusamareeB oo la soo bandhigay & Wararkii ugu dambeeyey (Akhriso)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in la qorsheynayo in shirkii madaxda DF iyo dowlad goboleedyada uu si rasmi ah u furmayo caawa ka dib kulamo hoose oo maalmihii la soo dhaafay u socday.

Furitaanka shirka ayaa noqon doona mid khudbado kaliya laga jeediyo, iyadoo la filayo in la soo xiro isla caawa, War murtiyeedna laga soo saaro.

Ajandaha caawa ee Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay Warbaahinta heshay ayaa waxaa ku qoran in Mas’uul kasta fursad loo siiyay inuu hadlo daqiiqo kadibna shirka la soo gebagabeeyo.

Ilo wareedyo ayaa Allbanaadir Online u sheegay in war murtiyeedka qeyb ahaan la diyaariyey, iyadoo illaa hadda Madaxdu isku fahmeen in doorashada noqoto doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda dhacda inkastoo nooca doorashada lagu kala aragti duwan yahay.

Doorasho qof iyo cod ah ayaa la sheegay in weli Madaxweynuhu ku adkeysanayo, halka dowlad goboleedyada ay dalbanayaan Doorasho dad-ban oo la kordhinayo oo kaliya dadka codeynaya.

Madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ayaa dhinaca kale diidan qodobka kale oo DF so jeedisay kaasoo ah inla sameeyo Guddi Farsamo heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed, kaasoo ka soo baaraan dagaya labada qodob ee doorasho ee qof iyo cod iyo doorashada dadban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.

Related posts

Dowlada Somalia oo Wafdi Sare u dirtay xalinta dagaalka Kaxandhaale (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Cayaarta Qashin ka Ururinta magaalada ee lagu helayo lacag badan oo Abaalmarin

Cabdi Cade

Baroordiiq iyo duco Holland loogu sameeyey mas’uuliyiintii ku geeriyootay qarixii xarunta gobolka Banaaadir (SAWIRRO)

admin
Taboola Ads ---