Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo faray Wasaarada Maaliyadda iney Nus Milyan Dollar ku bixiso …

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa faray wasaaradda maaliyadda in si deg deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun Oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socday kulan looga hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye oo Mudane Xasan Cali Khayre uu Dhuusamareeb kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagta si loogu guuleysto qorshaha naf-badbaadinta ah iyo u gurmashada kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Congresska Maraykanka oo si kulul uga hadlay hadaladii cunsuriyada ahaa ee Trump

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo xil u magacaabay Cabdisamad Salaad Aadan (Wareegto)

Cabdi Cade

Qarax ka dhacay goob maqaayad ah iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---