Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in kulamo saacadihii lasoo dhaafay lahaayeen Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada la isku soo dhawaaday.
Shirka rasmiga ahaa ee lagu balan sanaa in ay yeeshaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaan wali si rasmi ah u furmin, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in saacadaha soo socda laga yaabo in shirkaasi furmo.
Sida aan wararka ku helnay shirkan ayaana noqon doona mid saacadaha soo aadan furma ayna madaxda Khudbado ka jeediyaan, waxaana shirkaasi loo soo xirayaa si deg deg ah iyadoona hadaba lasii diyaarinayo war murtiyeedka shirka.
War Murtiyeedka shirka laga soo saarayo ayaana la sheegay in hada diyaarsan yahay qeybo badan oo kamid ah, waxaana Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulada isku raaceen in la qabto doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda.
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa ku adkeesanayay in doorashada dalka ka dhaceysa noqoto qof iyo cod ,halka Madaxda maamul goboleedyada iyaguna diideen taa badalkeedana dalbadeen in la qabto doorasho dad badan .
Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamulada ayaa sidoo kale isla garan waayay Guddi Farsamo heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed in la sameeyo si ay uga soo baaraan dagaan nuuca doorasho ee la qaban karo.
Waxaa aad looga war sugayaa furitaanka rasmiga ah ee Shirka Dhuusomareeb iyo war murtiyeedka la filayo in shirkaasi laga soo saaro, waxaana wali jira guux ku aadan in wali ay jiraan qodobo la isku fahmi waayay balse dib loo dhigay hadalkooda.