Allbanaadir.com
NEWS

Golaha shacabka oo Go,aan ka gaaray wax ka bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda KMG ayaa u codeeyay Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda ee dalka.

Xildhibaanada ayaana doodo kulul ka yeeshay sharcigan kahor inta aysan codka u qaadin, waxa ayna xildhibaanada ku kala aragti duwanaayeen wax ka bedelka Sharcigan la horgeeyay.

Waxaa u codeeyay in wax kabedelka sharciga xisbiyada Siyaasadda dalka 137 Xildhibaan, waxaa diiday in sharcigan wax laga bedelo Sadex Xildhibaan halka ka aamuseen sadex  Xildhibaan oo kale.

Gudoonka golaha shacabka ayaa gabo gabada kulan shaaciyay in Xildhibaanada cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen wax kabedelka Sharciga Xisbiyadda dalka oo la horkeenay golaha shacabka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo xoog ku joojiyay Siminaar Muqdisho uga socday Xisbiga Wadajir (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Xildhibaanadii Puntland ee Xasaanada laga qaaday oo War cusub soo saaray

Cabdi Cade

(Akhriso) Jubbaland oo amaro ku soo rogtay Musharaxiinta doorashada Madaxweynaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---