Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada PSF oo howlgal ku dilay xubno katirsan Daacish oo Ajaaniib ku jiraan (Sawirro)

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Puntland ayaa howlgal saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen dhulka buuraleyda ee Gobolka Bari ku shaaciyay in ay ku dileen xubno katirsan kooxda Daacish oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib.
War kasoo baxay taliska ciidamada PSF ayaa lagu sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaano ay ku jiraan Tuurmasaale, Camayra ee Buuraha Cal Miskaat ku dileen 20-xubnood oo katirsan kooxda Daacish oo ku jiraan Saraakiil .
Saraakiisha Ciidamada PSF ee Puntland ayaa sheegay in xubnaha howlgalka lagu dilay ay ku jiraan saraakiil sar sare oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib uuna kamid yahay sarkaal sare oo ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada iyo xiriirka caalamka.
”Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ku dileen tiro ka badan 20 xubnood oo ka tirsan cadowga Daacish oo ay ku jiraan saraakiil sare oo uu iskugu jira Soomaali iyo Ajnabi ,uuna ka mid yahay sarkaal sare oo ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jirey Daacishka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka kale,Soomaaliyana joogay ilaa 2014-kii isaga oo masuul ka ahaa dhib badan oo ay kooxda Daacish u geysteen shacabka Soomaaliyeed sida dilal,qaraxyo iyo dhibka ugu weyn oo uu hadda ku hayey dadka reer guura ah ee degaanadaas isaga oo xoolahooda xoog kaga qaadi jirey isla mar ahaantana u diidi jirey reer guuraagu in ay xoolaha daaqsadaan qaybo ka mid ah dhul daaqsimeedka.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Ciidamada PSF.
Warka kasoo baxay ciidamada PSF ka gubeen ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda Daacish ka gubeen  kayd weyn oo ay dhigan jireen saadka iyo sahayda, kaydkaas oo ay yaaleen raashin aad u faro badan,daawo,rasaas iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada.
Ciidamada Puntland ayaa dagaal kula jira dagaalyahanada Al Shabaab iyo Daacish ee ku sugan Buuraha gobolka Bari, mana jiro cid madax banaan oo xaqiijisay guushan ciidamada Puntland ka sheegteen howlgal ay ka fuliyeen goobo ay joogeen Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog cusub oo laga helay qaar kamid ah wiilasha DF tababarka ugu dirtay Eritreya

Caydiid Ali

(Sawirro) Shiikh Aadan Madoobe oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Wakiilada Q/M iyo Midowga Afrika ee Somalia (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade