Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad shaacisay in diyaarado nuuca dagaalka ah usoo direyso Soomaaliya

Dowlada Uganda ayaa shaaca ka qaaday in diyaarado dagaal usoo direyso gudaha Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ka wado qaar kamid ah gobolada dalka.

Afhayeenka Millateriga dalka Uganda Richard Karemire ayaa sheegay in diyaarado dagaal oo taageeraya ciidamada midowga Afrika usoo dirayaan Soomaaliya si ay gacan uga geestaan amaanka iyo la dagaalanka Al Shabaab.

Richard Karemire ma sheegin tirada diyaaradaha ay Soomaaliya usoo dirayaan, waxa kaliya uu sheegay in qorshaha ugu jiro milatariga dalka Uganda in diyaaradahaasi dagaal udirayaan Soomaaliya.

Dalka Uganda Soomaaliya waxaa ka jooga kumanaan askari oo wata magaca ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ayaana heysan diyaarado dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

ka ah

Related posts

Dayuurad ay leeyihiin ciidanka Israel oo dhulka la soo dhigay & Wararkii ugu danbeeyey

Caydiid Ali

Macalimiin wax ka dhigayay Iskuulo kuyaala magaalada Wajeer oo firxad bilaabay

Cabdi Cade

Madaxweynaha dalka Kenya oo lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---