Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Goodax oo si adag uga hadlay Muuqaal Baraha bulshada lagu baahiyay iyo dad loo xiray ….

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo ku aadanaa imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare .

Waxa uu sheegay Wasiir Goodax in muuqaalkaasi la baahiyay uu yahay mid been abuur ah oo siyaasadeesan, waxa uuna tilmaamay in la doonayo in lagu khal khal galiyo imtixaanka shahaadiga ee Wasaarada Waxbarashada qaadeyso.

Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in laamaha amaanka gacanta ku hayaan kiiskaasi ayna baarayaan cidii ka dambeesay si loo soo qabto, waxa uuna xusay in dadkaasi dhaawaceen Heybada imtixaanka iyo mustaqblka ardayda Soomaaliyeed.

Cabdulaahi Goodax Bare ayaa sheegay in gacanta lagu hayo shaqsiyaad dhoor ah halka dabagal lagu hayo kuwo kale oo qayb ka ahaa been abuurka uu sheegay in ay ku sameynayeen Imtixaan sanadeedka 2019/20.

Wasiirka ayaa sheegay in muuqaalkan la baahiyay uu yahay mid la doonayo in lagu fashiliyo imtixaanka Dugsiga sare looga gudbayo maadaama la adkeeyay sida uu tilmaamay in qish helaan ardayda.

Booliiska Soomaaliya ayaa horey uga digay khal khal galinta imtixaanka dugsiga sare ee maanta lasoo gaba gabeenayo, waxa ayna horey booliiska u shaaciyeen in la xiray dad ku mashquul sanaa khal khal galinta imtixaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duuliye Asli Calansida oo ka hadashay taariikhda Maalinta haweenka 8-da Maarso

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn ugu Mahadceliyay Bangiga Horumarinta Afrika

Cabdi Cade

Maxkamadda Ciidamada oo saakay Xukun dil ah ku fulisay labo nin oo Dilal geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---