Metelaada guud ee shacabku ay ku dhiibanayaan codkooda waa doorashada qof iyo cod oo ay dadku guud ahaan si xor ah ay ku soo dooranayaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta degmooyinkooda. Codbixinta nuucaan ah ka ma jirto shuruudo xadidaya dadka tartamaya ama dadweynaha codeynaya, taas oo ah in cid walba ay xaq u leedahay iney u tartanto, dadweynuhuna guud ahaan ay u codeeyaan si ay u kala doortaan musharixiinta.
Metelaada dadban waa nuuc kasta ee doorasho oo ay dadweynaha codeynaya iyo musharixiinta aysan si xor ah oo aan loo dhexeyn isku dooranayaan, waxaana inta badan doorashooyinkaas dhextaal u ah dad xadidaya tirada codbixiyeyaasha ama si gaara kursiga u siinaya koox gaara oo wax dooraneysa iyo tartamayaal ka tirsan kooxdaas, taas oo meesha ka saareysa xaqa xoriyada guud ee codbixinta iyo tan musharaxnimada.
Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu soo saaray liiska kuraasta oo heybsooc beeleed lagu qeybiyey, taas oo ah in kursi walba ay iska leeyihiin beel gaara oo iyaga keligood u gooniya codbixinta iyo musharaxnimadaba, waxaana dhextaal u ah doorashadaas odeyaal dhaqameed dalaaliin ah oo laaluush ku qaadanaya meelmarinta rabitaanka madaxda dowladda iyo codbixinta kuraasta beelahooda, taas oo ka turjumeysa soo xulida codbixiyeyaal kooban oo iibsan iyo musharixiin minxiis ah oo ra’yiga guud lagu qaldayo iyo musharax keliya oo rasmi ah oo heshiis dadban doorashada ugu soo baxaya.
Doorasho qof iyo cod ah oo dadban waa mid u dhaxeysa labada nuuc ee hore, taas oo meesha ka saareysa dhextaalka hogaamiye dhaqameedka, waxeyna doorashadaas u dhexeyneysaa beesha kursiga iska leh oo ay guud ahaan u furan tahay iney ka qeyb galaan doorashada oo ay xor u yihiin dhiibashada codkooda ay ku dhiibanayaan metelaada beeshooda guud, sidaas si la mid ahna ay kursigaas u tartami karaan cid kasta oo ka tirsan beesha iska leh kursiga.
Doorasho guud ee qof iyo cod waxey u baahan tahay diyaarinteedu 6 bilood, meesha mida qof iyo cod dadbana ay u baahan tahay 3 bilood, doorashada dadbana waxey u baahan tahay hal bil iyo bar. Doorasho kasta waxey u baahan tahay dowlad xagta hawlaheeda dhinaca amniga iyo maaliyadda oo si madaxbanaan ay u fulinayaan gudi doorasho oo kalsoonidiisa dhexdhexaadnimo la wada ogol yahay.
Marka dalku gelayo doorasho waxaa caalamka oo dhan sharci guud u ah in madaxda dowladda dhexe awoodoodu ay gasho hakad aysan waxba ku fulin karin inta iyaga dib loo soo dooranayo ama xilka cid kale kala wareegeyso. Haddii wakhti xiloodka madaxda dowladda dhexe uu dhamaado oo doorashadu mudo gaaban ay dib u dhacdo oo qiyaas ahaan wax ku siman 3 bilood, weli waxaa si kmg xilalka u sii buuxinaya madaxdii hore inta doorashadu ka dhamaaneyso,
Hadiise ay doorashadu dib u dhacdo in ka badan 3 bilood, waxaa qasaba in la dhiso dowlad dhexdhexaada wakhtiga kala guurka (caretaker government), taas oo ah dowlada kalaguurka oo madaxdeedu aysan lahayn awood fulineed, hawlaheeduna ku siman yihiin si wadida hawlaha aasaasiga ah ee hayadaha dowladda iyo ka gudbinta dalka xiliga kalaguurka. Dowladda kalaguurka waxaa lagu soo dhisi kara ogolaanshahashirweyne qaran oo ay ka soo wada qeybgalaan saamileyda siyaasadeed oo dhan.
Wakhtiga doorashada iyo gaar ahaan xiliga kalaguurka awooda siyaasadeed ee dalka waxey dib ugu soo noqoneysaa talo wadaaga saamileyda siyaasadda dalka oo kala ah: siyaasiyiinta mucaaradka, kuwa muxaafadka, kuwa madaxbanaan, madaxda xisbiyada siyaasadeed, madaxda maamul goboleedyada, madaxdii hore ee dowladda dhexe, iyo madaxda ururada bulshada rayidka. Haddii mid ka mida uusan ku qancin habka ay doorashadu u dhaceyso, taasi waxey caqabd ku noqoneysaa natiijada ka soo baxda doorashada oo aqoonsigeeda iyo ogolaanshaheeda uu ka dhalanayo ismaandhaaf ay dowladda cusub ku burbureyso.
Xildhibaanada qaranka waxay ku haboon tahay in lagu soo doorto doorasho qof iyo cod guud ama dadban, laakiin doorashada madaxweynaha waxaa ku haboon iney noqoto mid guud oo toos ah, haddii aysan taas suurtogal ahayna waxaa haboon in tiro aad u fara badan oo guud ahaan kala metelaya qeybaha kala duwan ee shacabka, tiradaas oo u dhaxeysa boqol kun iyo konton kun oo codbixiyeyaala. taas waxey meesha ka saareysaa loolanka iska soo horjeeda oo ay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maaul goboleedka ay mid walba ugu jirto iney liiska xildhibaanada ay iyaga keloiya soo qortaan si ay awood ugu yeeshaan musharaxa ay heshiiska kula gelayaan doorashada xilka madaxweynenimada.
Doorashada qof iyo codka ah waxey dhamaantood ka dhacayaan degmooyinka ay maamulaan madaxda maamul goboleedyada, waxeyna madaxdaas xaq u leeyihiin in laga talo geliyo doorashooyinka ka dhacaya degaanadooda oo ay u baahan yihiin maaliyad ay ku sugaan qabsoomida doorashooyinka, sidaas si la midana lagala xisaabtamo sidii ay doorashooyinkaas ugu dhici lahayeen si xor ah oo ka madaxbanaan faragelin awoodaha dowladda dhexe ama kuwa maamul goboleedyada ama kuwa shisheeye ama ergooyin ka socda qeyb ka mida kuwaan kor ku xusan.
Waxaa Qoray:
Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)
Guddoomiyaha Xisbiga dadka Soomaaliyeed
Maine. Texas, USA