Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Tababar loo soo xiray ciidamo ku xareysnaa Dugsiga Ciidamada ee…

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tababar usoo xidhay dufcaddii 32-aad ee katirsan ciidamada kala duwan dalka oo ka qalin-jebisa dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle.

Munaasibad kooban oo ay ku qalin-jebinayeen dufcadda 32-aad ee ciidanka oo ka kala socda ciidamada Booliska, Laanta socdaalka, madaxtooyada Somaliland iyo qaybaha kale ee ciidamada Somalilad ah oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka deegaanka Mandheera ee Lixle, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Militeriga, Booliska, Asluubta, Badda, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maamulka iyo macallimiinta dugsiga, waxana uu madaxweynuhu uu halkaas salaan kaga qaatay cutub kamid ah ciidamada, isaga oo intaas kaddibna kormeeray qaybo kamid ah dhismeyaasha kala duwan ee uu ka kooban yahay dugsiga tababarrada ciidamada ee Mandheera oo qaybo kamid ah ciidamadu kusoo bandhigeen khibradda baadhitaan ee ay u leeyihiin .

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bogaadiyey ciidamada cusub ee uu tababarku usoo dhammaaday, waxana uu si hufan uga sheekeeyey muhiimadda ay ciidamadu leeyihiin iyo shaqooyinka halbawlaha ah ee ay bulshada u hayaan.

Madaxweynuhu waxa uu la dardaarmay ciidamada maanta dhammaystay tababarka, isaga oo ku adkeeyey inay waqtigooda ugu badan geliyaan sidii ay midaynta iyo wada-jirka bulshada uga shaqayn lahaayeen, “Tababarkiinna waxaan idiinku darayaa waa inaad noqotaan tabliiqiyiin, dal jecel oo dadka mideeya oo is oggolaysiiya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu abaal-marinno guddoonsiiyey xubnihii kaalmaha hore ka galay, Akhlaaq wanaagga, shiishka, tababarka iyo waxbarashada muddadii ay dufcaddaasi ku jirtey tababarka.

Related posts

Puntland oo War kasoo saartay Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug digniina u dirtay ..

Cabdi Cade

Muwaadin Soomaaliyeed oo caawa lagu dilay magaalada Cape Town

Cabdi Cade

Taliska Booliska oo faahfaahin ka bixiyey khasaaraha qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali