Ciidamada Booliiska dalka Talyaaniga ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Milano ku qabtay daroogo si cajiib ah loo soo qariyay.
Daroogadan oo ah nuuca loo yaqaano Cocaine-ka oo laga soo dhoofiyay dalka Colombia ayaa lagu soo dhex qariyay miraha qaxwada ama bunka si gudaha loogu galiyo Talyaaniga.
Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa ku warantay in ay aad u adkeyd in booliiska fahmaan daroogadan lagu soo dhax qariyay miraha bunka maadaama qaar kamid ah bunka ahaayeen kuwa caadi ah halka kuwa kalana lagu soo qariyay daroogada.
Muuqaal laga soo duubay sida daroogadan loo qabtay uu muuijinaysa eyda wax urisa oo ku dul-wareeganaysa daroogada la qabtay kadib markii ka shakiyeen una soo urtay daroogada.
Daroogada la qabtay ayaa lagu qiyaasay 130 kilo garaam, waxaana daroogadan lagu soo qoray in ay kusocotay magaca Santino D’Antonio, oo ah magac lagu yaqaano nin dambiila ah oo qeyb ka ahaa filmkii John Wick.
Boolooska magaalada Milano ayaa xiray Nin 50 sano jir , ka dib markii uu isku dayay in uu qaado daroogadaas, waxayna laamaha amniga sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaas.