Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo xilka ka qaaday Gudoomiye degmo kuna badalay Walaalkiis

Wareegto kasoo baxday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Filish ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Wadajir Mudane C/raxmaan Maxamed Cali.

Duqa Muqdisho ayaa u magacaabay Gudoomiyaha cusub ee degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali oo la dhashay Gudomiyaha xilka laga qaaday, waxaana magacabaistan ay dhalisay hadal heyn badan.

Dadka qaar ayaana sheegay in isbadal uusan ka dhicin degmada Wadajir balse la isku bedelay labo nin oo walaalo ahaa, waxaana la sheegay in isbadalkan ku yimid wadahadalo ay yeesheen Duqa muqdisho iyo Gudoomiyihii hore ee Wadajir.

Gudoomiyaha degmada Wadajir ee hada xilka laga qaaday ayaa sanado badan gudoomiye ka ahaa degmadaasi, waxaana la filayaa in dhawaan xilka si rasm ah ugu wareejiyo walaalkiis oo lagu bedelay.

Duqa Muqdisho Cumar filish ayaa horey xilka uga qaaday qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxa uuna intooda badan ku bedelay gudoomiyaal aan qaraabo la aheyn kuwii uu horey xilka uga qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaafiic khasaaro geesatay oo lagu weeraray Xarunta Xalane ee Muqdisho

Cabdi Cade

Nin hubeesan oo toogasho ku dilay xaaskiisi hore iyo dad kale oo daris la’ ahaa

Cabdi Cade

Wasaarada Ganacsiga oo joojisay dejinta Markab ku xiran dekeda Muqdisho & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---