Dalka Liibiya waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamo daacad u ah dowlada Qaramada Midoobay aqoonsan tahay iyo ciidamo ka amar qaata Jeneraal Khalifa Haftar oo doonaya in uu xoog kula wareego talada dalka Liibiya.
Labada dhinac ee ku dagaalamaya dalka Liibiya ayaa taageero kala duwan ka helaya qaar kamid ah wadamada Caalamka, waxaana dowlada Liibiya taageeraya Turkiga iyo Qadar halka Khaliifa Haftar taageero ka helayo Masar, UAE , Ruushka iyo dowlado kale.
Wargeyska Libya Review ayaa qoray in dowladaha Turkiga iyo Qadar wadaan qorshe Liibiya lagu keenayo ciidamo Soomaali ah oo ka qeyb qaata dagaalka dowlada Liibiya ku qaadeyso magaalada istaraatiijiga ee Sirta.
Sida uu qoray Wargeyska ciidamadan Soomaalida ah ee laga yaabo in loo qaado Liibiya ayaa ah ciidamo lagu tababaray dalka Qadar kuna sugan, waxaana ciidankan dhaqaalo badan ku bixisa dowlada Qadar oon la ogeyn ujeedka ay ka leedahay.
Qorshahan ciidamada Soomaalida lagu geenayo Liibiya ayaa soo if baxay kadib booqasho deg deg ah uu Doxa ku tagay Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga Hulusi Akar oo kulamo albaabada u xiran la qaatay Amiirka dalka Qadar .
Dowlada Turkiga ayaa ciidamo milatari ah, hub culus iyo diyaarado geesay dalka Liibiya si ay u taageerto ciidamada dowlada ee dagaalka xoogan kula jira ciidamada ay taageerayaan Masar iyo Imaaradaka Carbta.
Dalka Qadar waxaa ku sugan ciidamo badan oo Soomaali ah oo dalkaasi tababar ku qaatay, ciidamadan ayaana sanado badan ku sugan dalka Qadar ay ku qaataan mushaar badan .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com