Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Saraakiil ka tirsan ciidamada Britain oo balan-qaad u sameeyey Maamulka Koonfur galbeed

Wafdi ka socoda dowladda Britain ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, waxaana halkaas ku soo dhoweeyey masu’uuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed.

Xubnaha wafdigan oo ka koobnaa saraakiil ka tirsan ciidamada Britain ayaa waxay kulan la qaateen ku-simaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Koonfur galbeed ahna Wasiirka Beeraha Maamulkaasi Maxamed Xasan Fiqi, iyagoo ka wada hadlay sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Maamulkaas.

Saraakiishii ka socotay dowladda Ingiriiska ayaa balan qaaday in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka caawin doonaan tayeynta iyo Tababarada Ciidamada.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye, taliyaha Ciidamada NISA ee Gobolka Bay iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo shaacisay khasaaraha kasoo gaaray Qarax Al Shabaab saakay la beegsadeen …

Cabdi Cade

Xasan Mustaf Dhaayow oo kasoo baxsaday kooxda Al Shabaab uu katirsanaa

Cabdi Cade

Gudoomiye Cabdicasiis Duurow oo Xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---