Allbanaadir.com
NEWS

Hadal heyn ka dhalatay Booqasho lama filaan ah uu Abiy ku tagay xerada Saawa (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay dalka Eritrea , waxa uuna kulamo xasaasi ah oo albaabada u xirnaayeen la qaatay Hogaamiyaha Eretria Isais Afwerki .

Booqashada dalka Eritrea ku tagay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa dhalisay shaki badan, waxaana booqashadan timid xili xiisad siyaasadeed ay ka jirto gudaha Itoobiya sidoo kale Itoobiya wajaheyso cadaadis kaga imaanaya dalalka Masar iyo Sudan.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa intii joogay Eretria waxa booqasho lama filaan ah hadal heyn badan dhalisay ku tagay xerada ciidamada dalkaasi ee Saawa, halkaas oon looga baran in madaxda dalkaasi tagta booqasho ku tagaan.

Abiy uu wehliyo Madaxweynaha Eretia ayaa booqasho ku tagay saldhigga lagu tababaro ciiddamada Eritrea ee Sawa, waxa ayna  halkaasi kula kulmeen dufacaddii 33-aad ee ciidamada Eritrea oo iisu diyaarinayo qalinjabintooda.

Xerada Saawa ayaa ah xerada lagu tababaro ciidamada ugu badan ee Eretria , xeradan ayaana aheyd mid aan inta badan looga baran in ay booqdaan ama tagaan madaxda caalamka iyo sidoo kale dadka kale ee dalkaasi taga.

Hadal heyno badan ayaana ka dhalatay booqashadan kediska ah ee Abiy lagu geeyay xerada ciidamada ee Saawa, warbaahinta labada dal ee Itoobiya iyo Eretria ayaana siyaabo kala duwan uga hadlay booqashadan.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gabre-mesqal ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in madaxda labada dal in dugsiga Saawa ay si kadis ah u booqdeen balse booqashadooda uusan ahayn mid horay u qorsheysnaa.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaana noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyay oo booqasho rasmi ah ku taga xerada Saawa oo ah xerada ciidan ee ugu weyn dalka Eretra inta badana lagu tababaro ciidamada dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad Soomaali ah oo xalay dil iyo dhaawac loogu geystay degaanka Foslors

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay kulan ay mar kale yeesheen Madaxweyne Farmaajo & Gudoomiye Jawaari?

Caydiid Ali

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn xooggan oo lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---