Allbanaadir.com
NEWS

Dib u dhac ku yimid Shirka rasmiga ah ee DF iyo kuwa maamulada iyo Sababta keentay !

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid furitaanka shirka rasmiga ah ay isugu imaanayaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka ayaa qorshuhu ahaa in maanta si rasmi ah uga furmo magaalada Dhuusomareeb, hasa ahaatee kulamo horu dhac ah oo xalay ilaa shalay  ay lahaayeen Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa is afgaran waa kusoo dhamaaday.

Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku balamay in ay sii socdaan kulamada gaar gaarka ah ee yeelanayaan inta la isaga fahmayo ajandaha shirka rasmiga ah .

Shirarkii horu dhaca ahaa ee yeesheen labada dhinac ayaa la sheegay in fashil kusoo dhamaaday kadib markii Madaxweyne Farmaajo ku adkeestay in muhiim tahay qabashada doorashada Qof iyo cod oo xiligan u muuqata mid aan qabsoomi karin.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo kulankii xalay wax xoogaa soo dabcay kana fuqay doorashada qof iyo cod , hasa ahaatee waxaa wali jira qodobo kale oo dhinacyada shiraya isku diidan yihiin.

Shirka rasmiga ah ee yeelanayaan Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa la filayaa in uu furmo marka labada dhinaca ee shiraya isku soo dhawaadaan islana gartaan ajandaha shirkooda.

Doorashada Soomaaliya ayaa ah ajandaha ugu muhiimsan ee laga shirayo, waxaana Madaxtooyada Soomaaliya la sheegay in ay dooneyso mudo kororsi dadban halka Madaxda maamuladana iyana doonayaan in la qabto doorasho dadban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo arrimo muhiim ah kala hadlay Philip Parham (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Ganacsato kala arrinsaday Iskaashiga Dhaqaale ee Heer Gobol (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Tiina Intelmann si weyna uga mahadceliyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---