Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay Khasaaraha dhismihii caawa soo dumay

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dhisme ku yaalla degmada Xamar-weyne oo caawa soo dumay, kaasoo sababay waxyeelo nafeed iyo burbur hantiyadeed.

Gurigan oo ah dhisme ka kooban 3 dabaq oo ku yaalla agagaarka Masaajidka Marwaas ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid qadiimi ah oo waa hore la dhisay, waxaana goobtaas booqday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish

Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada & Howlaha Guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi oo uu la socday gudoomiyaha maamulka degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay goobta uu shilkan ka dhacay, iyagoo sheegay in dedaal dheer ka dib lagu guuleystay in la soo badbaadiyo dhamaan dadkii ku hoos jiray dhismaha soo dumay.

Waxay intaas ku dareen in 7 ka mid ah 12 qof oo ku jiray dhismaha ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, lana dhigay goobaha Caafimaadka, 5 kalena ay bad qabaan. iyagoo xusay ineysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay mashaqadan.

“Waxaan u mahad celinaynaa shaqaalaha Waaxda gurmadka deg deg ah ee gobolka Banaadir iyo shacabkii ka qeyb qaatay gurmadkii lagu soo badbaadiyey dadkii ku jiray dhismahan soo dumay, kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada loo qaaday oo hal Maamo ay ugu daran tahayna ILAAHAY ha caafiyo” ayey tiri  Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada  Marwo Basma Caamir Axmed oo intaas raacisay in la soo gebagebeeyey howlgalkii gurmadka ahaa oo socday muddo saacado ah, lana hubiyey in burburka hoostiisa aysan cid kale ku jirin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Lacag badan oo lagu qabtay Xadka Soomaaliya iyo Kenya iyo Xog ku aadan dalka laga…

Cabdi Cade

Xamaas soo bandhigtay Haweeney ka tirsan Maxaabiista Yuhuuda ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---