Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guri ku yaalla deg. Xamar-weyne oo caawa soo dumay & Khasaare ka dhashay (Sawirro)

Dhisme ku yaalla degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa caawa fiidnimadii soo dumay, waxaana burburka gurigaas ka dhashay khasaare naf iyo maal leh.

Gurigan oo ka koobnaa 3 dabaq ayaa ku yaalla agagaarka Masaajidka Marwaas ee degmada Xamar weyne, waxaana degenaa qoysas shacab ah.

“Dhismahan oo ahaa mid qadiimi ah ayaa qeyb ahaan soo dumay, burbur xoogan ayaa ka dhashay, waxaana goobta laga qaaday dad badan oo dhaawac ah qaar kalena burburka ayey ku hoos jiraan” ayuu yiri goob jooge halkaas ku sugan oo la hadlay Allbanaadir Online.

Shaqaale ka socda Waaxda gurmadka deg deg ah ee gobolka Banaadir iyo shacabka degaanka oo iskaashanaya ayaa la sheegay iney gurmad u sameynayaan qoysaska uu ku soo dumay gurigaas.

Khasaare dhaawac u badan ayaa la soo sheegaya inuu soo gaaray dadkii ku noolaa dhismahaas soo dumay, waxaana jira warar kale oo sheegaya iney jiraan dad ku dhintay.

La soco wixii soo kordha

DAAWO SAWIRRO IYO VIDEO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo arin Xasaasi ah oo kusoo korortay Doorashada kala hadlay Maxamed Cirro

Cabdi Cade

Xildhibaan Fiqi ”Senator Muuse Suudi reer Kismaayo waa u diideen inuu cagahiisa ku socdo”

Caydiid Ali

Hay’ad caalami ah oo Israa’il ku eedeysay in xasuuq ka geesatay Gaza

Cabdi Cade
Taboola Ads ---