Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Yaa ku deeqay?) Wasiirad Fowsiya oo lagu wareejiyey Jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan..

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa ku wareejiyay maanta oo Isniin ah Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, jeeg lacageed oo dhan $ 50,000 oo ah kaalmo maaliyadeed oo ka timid Sanduuqa is-garab-istaagga Islaamka ee Ururka Iskaashiga Islaamka si wax looga qabto saamaynta COVID-19 uu ku yeeshay dhinacyada caafimaadka, bani’aadannimada, dhaqaalaha iyo bulshada.

Munaasabadda wareejinta lacagtaasi oo lagu qabtay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Cabdirisaaq Siyaad Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka.

16 April, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka jeeg lacag oo ay ku qornayd $ 100,000 oo ahayd deeq maaliyadeed oo ka timid urur goboleedka IGAD oo uu ku garabistaagayay Soomaaliya dagaalka ay ku xakamaynayso cudurka safmarka ah ee Koroona.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 3,119 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 1,457 ruux oo bogsatay iyo 93 ruux oo u geeriyootay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo sheegay in Biden uu lumiyey heybadii iyo cabsidii laga qabi jiray Maraykanka

Caydiid Ali

Dowlada Turkiga oo shaacisay tirada Turkida & Soomaalida ku waxyeelowday qaraxii Afgooye

Caydiid Ali

Guddoonka Aqalka Sare oo si weyn uga xumaaday dhacdadii Golaha Shacabka ka dhacday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---