Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Warbixintii ugu dambeysay oo laga soo saaray xaalada cudurka COVID-19 ee Somalia

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay Cudurka Corona ka bogsadeen 5 Qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee Dadka ka ladnaaday ka dhigeysa 1,457.

Marwo, Fowziya ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 8 xaaladoood oo cusub, kuwaas oo 7 ka mid ah ay ku sugan yihiin Somaliland, halka Qofka kalana uu joogo Muqdisho, taas oo tirada guud ee Dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,119.

Bukaannada cusub ayay Wasiiraddu ku sheegtay 6 Rag ah iyo Labo Dumar ah, mana jirto 24-kii Saac ee ugu dambeeyay Dad Soomaaliya gudaheeda ugu geeriyooday Cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Odinga oo shuruud ku xiray wada-hadal uu la galo William Ruto

Cabdi Cade

Wasiir saameyn badan ku leh dowlada Eritrea oo dhaaac culus la gaarsiiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo diiday ka qeyb galka Shirka Baydhabo iyo Beesha Caalamka oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---