Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxda DF iyo kuwa Dowlad goboleedyada oo kulan wadajir ah ku leh Dhuusamareeb

Madaxda dowladda Somalia iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb ku leh kulankoodii ugu horeeyey ee wadajir ah.

Kulankan oo ka dhacaya xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa daba socda kulamo hordhac ah oo saacadihii la soo dhaafay siyaabo gaar gaar ah u dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada, kuwaasoo looga hadlayey qodobo kala duwan oo xasaasi ah sida arrimaha doorashooyinka iwm.

Shirkan maanta ayey wararka qaar sheegayaan in diirada lagu saarayo sidii isfahamka guud looga gaari lahaa shirka madaxda DF iyo Dowlad goboleedyada ee dhowaan furmaya.

Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada qaarkood ayaa si weyn ugu kala aragti duwan qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka, kuwaasoo u baahan in xal deg deg ah laga gaaro maadaama madaxda DF uu muddo xileedka ka sii dhamaanayo.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Askari ka tirsan ciidamada dowlada oo lagu dilay Dhuusamnareeb

Caydiid Ali

(Sawirro) Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey Shirka guddiga fulinta ee (CAS)

Caydiid Ali

WHO oo booqatay Isbitaalka Al-Shifa (Xaalad argagax leh oo ay ku soo arkeen)+Sawirro

Caydiid Ali
Taboola Ads ---