Kulamo xasaasi ah oo looga arinsanayo shirka magaalada Dhuusomareeb uga furmaya Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa siyaabo kala gooni gooni ah uga socda magaaladaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa siyaabo kala duwan kulamo ula qaatay saacadihii lasoo dhaafay qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada , siyaasiyiin iyo ururada bulshada rayidka ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb.
Waxaa sidoo kale magaalada Dhuusomareeb ka socda kulamo iyana si gaar gaar ah u yeelanayaan Madaxda dowlad goboleedyada kuwaa oo iska wareesanaya ajandaha ay la tagayaan shirka ay la yeelanayaan Madaxda dowlada federaalka.
Kulamadan ayaana ah kuwa horu dhac u ah shirka la filayo in uu u furmo Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana laga sii arinsanayaa ajandayaasha shirka iyo sida loo wajahayo.
Shirka ka furmaya magaalada Dhuusomareeb ayaa ah mid xasaasi ah oo isha lagu wada hayo, waxaana shirkan la filayaa in ay kasoo baxaan go’aano la xariira doorashada Soomaaliya ka dhaceysa iyo nuuca ay noqoneyso.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in la qabto doorasho qof iyo cod ah si taasi loo gaarana mudo kororsi loo sameeyo, halka Madaxda dowlada qaar iyo Madaxda maamul goboleedyada kasoo horjeedaan mudo kororsi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com