Allbanaadir.com
NEWS

Boqor Salmaan oo isbitaal loola cararay iyo xanuunka ku dhacay oo la shaaciyay 

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan bin Cabdul Caziiz ayaa loola cararay isbitaal gaar ah oo kuyaala magaalada Riyadh, kadib markii boqorka lasoo daristay xaalad caafimaad daro.

Wakaalada wararka u faafisa boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku warantay in boqor  Salmaan la dhigay isbitaal ,kadib markii markii uu lasoo darsay xanuun dhinaca kaadi heysta .

Boqortooyada Sacuudiga ayaan faah faahin badan ka bixin xaalada caafimaad ee Boqorka, waxaana warbaahinta hadal heysaa xanuunkan ku dhacay boqorka ee sababay in loola cararo isbitaal.

Boqor Salmaan bin Cabdul Caziiz oo 84-sano jir ah ayaa loo caleemo saaray Boqorka Sacuudiga sanadkii 2015-kii, waxaana Boqorka la sheegaa in hada uusan shaqo badan qaban talada dalkana kala hago wiilkiisa Dhaxal Sugaha ah ee Maxamed Bin Salman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Dowladda iyo saaxiibada caalamka oo dilsy 40 xubnood oo Al Shabaab ah

Cabdi Cade

Itoobiya oo soo bandhigtay kumanaan Maxaabiis ka tirsan TPLF (Sawirro)

Caydiid Ali

Saciid Ciise” “Burburkii ku dhacay Somalia Waxtarka keliya ee laga helay wuxuu ahaa.”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---