Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo warbixin siiyey Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu warbixiyey Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dawlad Goboleedyada ee Aqalka Sare, qorshe hawleedka Maamulka Gobolka.

Guddoomiyeha ayaa u soo bandhigay Guddiga warbixin guud oo ku saabsan waxqabadka Maamulka Gobolka Benaadir, isagoona si gaar ah diiradda ugu saaray arrimaha Amniga, siyaadda, bulshada, shaqooyinka Dawladaha Hoose iyo hannaanka maaliyadeed ee Gobolka.

Eng.Yarisow ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ka dhanka ah musuq-maasuqa ee la qaaday muddadii boqol casho ahayd ee uu xilka hayey, iyadoona sidoo kale la wadaagay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare falalka musuq maasuq ee laga hortagay iyo qorshayeesha lagu xaqiijinayo hufnaanta hannaanka maamul iyo maaliyadeed ee Gobolka Benaadir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta laamaha ammaanka heer Federaal iyo Maamulka Gobolka Benaadir, isagoona tilmaamay in ay ka shaqeeyeen xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin shacabka Gobolku sugidda ammaanka iyo la shaqeynta hay’adaha amniga.

Xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dawlad Goboleedyada ee Aqalka Sare oo Guddomiye Yarisow su’aalo ka waydiiyey guud ahaan shaqooyinka Maamulka Gobolka iyo xiriirka kala dhaxeeya hay’adaha Dawladda ayaa ku bogaadiyey qorsheyaasha horumarineed iyo warbixinta uu ka siiyey qorshe hawleedka Maamulka Gobolka Benaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sii hayaha cusub ee Raisul Wasaaraha oo Wareegtadii ugu horeysay soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga helay Ninkii fuliyey toogashadii Trump

Caydiid Ali

Tirinta codadka oo dhamaatay & labo Musharax oo Wareega ugu dambeeya u gudbay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---