Gudiga qaban qaabada dhismaha golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo iyo gudiga nabad galyada degmada oo ka kooban qaybaha bulshada ayaa maanta loo qabtey tababar ku saabsan sida ugu wanaagsan ee loo soo xulayo dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo.
Tababarka ayaa lagu barayay guddiyadan sidii ay gacan oga gaysan lahaayeen dhismaha golaha deegaanka iyo sidoo kale nabad galyada inta lagu guda jiro soo xulista golaha deegaanka degmada Gaalkacyo.
Waxaa soo qaban qaabiyey tababarkan hay, adaha kala CRD, FCA iyo EISA, waxa ayna masuuliyiinta Hay’adahan uga mahad celiyeen gudiyadaan sida wanaagsan ee ay u daadihinayaan dhismaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo.
Cabdi Shiiq Doon Nageeye oo kami ah masuuliyiinta Hay’adda CRD ayaa u sheegay guddiga tababarka loo furay in ay u diyaar garoobaan dhismaha golle deegaan oo raali laga wada yahay ee yeelato Gaalkacyo.
Masuuliyiin iyo dhamaan dadkii kala ee ka hadlay tababarkan ayaa sheegay in muhiim tahay dhismaha golle deegaan ay yeelato Gaalkacyo, waxa ayna u mahad celiyeen Hay’adahha CRD, FCA iyo EISA oo gacan ka geesanaya dhismaha Gollaha deegaanka.
Shacabka ku dhaqan degmada Gaalkacyo ayaa si weyn usoo dhaweeyay dhismaha gollaha deegaanka ay yeelaneyso Gaalkacyo, waxa ayna sheegeen in rajo weyn ka qabaan in Gaalkacyo loo soo xulo golle deegaan oo raali laga wada yahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com