Iska horimaad hubeysan oo u dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DF ayaa caawa ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku bilowday ka dib markii ay fooda isdareen ciidamo ka tirsan milateriga oo gaari ku watay Qaad iyo Boolis ku sugnaa bar kontrol.
“Milateriga Qaadka ku watay gaariga waxay diideen in la baaro, waxayna isku dayeen iney xoog ku jiiraan barta kontrol ee ciidamada amaanku joogeen ka diba israsaaseyn ayaa ka dhex bilaabatay goobtana waa laga kala cararay” ayuu yiri qof goob jooge ah oo halkaas ku sugnaa.
Ciidamadii milateriga ee gaariga ku watay qaadka ayaa la sheegay iney dib uga laabteen kontrolka booliska ee ay doonayeen iney xoogga ku maraan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askari ka tirsanaa ciidanka milateriga uu ku dhintay iska horimaadkan, halka askari kale oo booliska ka tirsanaa uu dhaawac soo gaaray.
Maamulka degmada Yaaqshiid iyo saraakiisha laamaha amaanka ayaan ka hadlin dhacdadan oo qeyb ka ah falalka amni daro ee ciidamada dowladu ka geystaan magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com