Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska oo shaaciyey magaca askarigii weeraray guriga lagu tumayey Mingiska

Guddoomiyaha degmada Warta Nabada ee gobolka Benaadir Saynab Xaabsey ayaa faahfaahin ka bixisay weerar maanta nin hubeysan uu ku qaaday guri ku yaalla degmadaas oo lagu tumayey Mingis.

Warbaahinta DF ayaa sheegtay inuu sii kordhay khasaaraha weerarka ayna ku dhinteen ugu yaraan shan qof, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saynab Xaabsey oo shir jaraaid ku qabtay guriga la weeraray ayaa sheegtay in Nin ku hubeysan qori AK-47 uu rasaas aan loo meel dayin ooda kaga qaaday dad ku sugnaa Guri ku yaalla agagaarka Masjidka  Xaaji Yuusuf oo si dhuumaaleysi ah loogu tumayay Mingiska.

“Dadka la weeraray horey waxaa looga soo saaray Xaafad ka tirsan Degmada, waxayna soo degeen goobta galabta lagu weeraray, iyagoo Maanta dib u bilaabay tumista Mingiska, dhinaato badan ayaa ka dhacday goobta” ayey tiri gudoomiye Xaabsey oo intaas ku dartay in ninka falka geystay oo ka tirsanaa ciidamada dowlada uu baxsaday laguna raad joogo.

Dhinaca kale, taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey magaca askariga geystay weerarkan iyo ciidanka uu ka tirsanaa.

“Abaare 12:30 duhurnimo, ayaa nin ku labisan labiska Ciidanka, waxaa uu rasaaseeyay dad ku sugnaa Goob Mingiska lagu tumo iyo Xerada Barakacayaasha ee Camp 15-May oo ku taala agagaarka iskoolka 15-May ee Degmada Warta nabada, Eedeysanaha falkaas geystay ayaa lagu magacaabaa Cabdikariim Dheere, wuxuuna horay uga tirsanaan jiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, isagoo goobta ka baxsaday weerarka kadib.” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ay dad badan ku dhinteen oo maalintii labaad ka dhacay degmada Wanlaweyn

Caydiid Ali

Guddiga Amniga Qaranka oo go’aano ka soo saaray wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo abaabul Dagaal wada iyo madaxweynaha oo ammar laga sugayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---