Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Cudurka Coronavirus oo 25 Milyan oo qof ku soo ritay dal ka tirsan caalamka

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruxani ayaa sheegay in dad ka badan 25 Milyan oo reer Iiraan ah uu ku dhacay cudurka Coronavirus tan iyo markii uu dalkaasi ka dilaay bilowgii sanadkan.

Xasan Ruxani ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu ka jeediyay telefishanka dalkiisa, isagoo ka digay in 35 Milyan oo qof oo kale ay halis ugu jiraan inay qaadaan cudurka Coronavirus.

”Qiyaas ahaan 25 milyan oo qof ayuu ku dhacay Coronavirus, 14,000 kun qof ayaa noloshooda ku waayay, 200,000 kun qofna waxaa la dhigay Isbitaalada” ayuu yiri madaxweyne Ruuxaani.

Tirakoobkan uu Madaxweynuhu khudbadiisa ku sheegay ayaa aad uga badan tirada rasmiga ee dadka reer Iiraan ee uu ku dhacay cudurka ee loo gudbiyay hay’adda caafimaadka Adduunka taasoo ah labo iyo lixdan kun oo qof.

Khudbada Madaxweynaha Iiraan ee la xiriirta tirada dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19 ayaa muujinaysa xadiga faafitaanka cudurka ee wadanka Iiraan oo tirada dadka ku nool lagu qiyaaso 80 Milyan oo qof.

Hay’adda caafimaadka Adduunku waxay sheegtay in 14 Milyan qof uu guud ahaan Caalamka uu ku dhacay Cudurka Coronavirus, taasoo aad uga yar tirada 25-ka milyan ah ee Iran ay sheegtay in dalkeeda oo kaliya laga helay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Muuse Biixi oo xilalkii ka qaaday Wasiiro, kuwo cusubna Magaacabay

Caydiid Ali

Nin hubeesan oo caawa lagu qabtay Muqdisho kadib dagaal uu la galay ciidamada amaanka

Cabdi Cade

Ujeedada Al-Shabaab ka laheyd Weeraradii ka dhacay Muqdisho oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---