War goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in madaxtooyada maamulka Galmudug kulan xasaasi ah uga furmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Kulanka ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay mid albaabada u xiran yihay, waxaana isku keenista Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ka shaqeeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.
Xalay ilaa saakay ayaa la sheegay in ay socdeen dadaalo la isugu keenayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana ugu dambeyn lagu guuleestay in Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe kulmaan.
Sida aan wararka ku heleyno kulanka ayaa diirada lagu saarayaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Dowlada federaalka iyo Madaxweynaha Jubbaland iyo sidii jawi isku soo dhawaansho loo abuuri lahaa.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ay isku hor fadhiistaan Madaxweynaha Soomaaliya Farmaayo iyo Madaxweynaha Jubbaland tan iyo doorashadii khilaafka dhalisay ee mar kale dib loogu doortay Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kulanka kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com