Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad Muqdisho lagu keenay Arday ka qeyb galeysa Imtixaanka Shahaadiga (Sawirro)

Waxaa saakay diyaarad gaar ah magaalada Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed kasoo qaaday qaar kamid ah ardayda sanadkan ka baxaysa Dugsiga si ay uga qeyb galaan imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga Sare.

Imtixaankan ay u fariisteen kumanaan arday ah ayaa shalay ka bilowday qaar kamid ah gobolada dalka, hasa ahaatee arday dugsiga sare ka baxeysa ee kunool Baraawe ayaa lagu amray in Marko ama Muqdisho u tagaan ka qeyb galka imtixaankaasi.

Waalidiinta iyo ardayda dugsiga sare ka baxeysay ayaa cabasho ka keenay in Imtixaanka ku galaan meel kab xasan magaalada Baraawe iyadoona aanan xili hore lagu soo wargalin  una diyaar garoobin safar.

Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in diyaarad u dirtay ardayda ka baxeysa dugsiga sare si ay imtixaanka ugu galaan magaalada Muqdisho , waxaana masuuliyiin katirsan Wasaarada sheegeen in xal loo raadinayo maadooyinka imtixaanka ee seegay ardaydaasi.

Lama oga waxa sababay in Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ardayda looga qaadi qaadi waayay gudaha magaalada Baraawe , waxaana xusid mudan in magaalooyinka kale ee dalka Wasaarada waxbarashada geesay imtixaanka halkaasna ku galayaan ardayda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashada heer federaal oo beeniyey qoraalo lagu baahiyey baraha bulshada

Caydiid Ali

Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo ku so jeeda Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Go’aanno adag oo laga gaaray weerar halis ah oo lagu qaado dalka Iran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---