Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Aktarad caan ku ah aflaamta Hindiga & gabadheeda oo laga helay cudurka COVID-19

Aishwarya Rai Bachchan ayaa loo qaaday Isbitaal ku yaalla magaalada Mumbai  kaddib markii laga helay cudurka Covid-19 bilowgii toddobaadkan.

Aktaraddan Hindiga ah, oo horey u ahayd Miss World isla markaana ka mid ah wajiyada ugu caansan Bollywoodka, ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Nanavati ee magaalada Mumbai.

Sidoo kale gabadheeda Aaradhya ayaa iyana loo qaaday isbitaal, sida ay wakaalada PTI ay werisay, iyadoo Aishwarya ninkeeda Abhishek iyo soddoggiisa Amitabh Bachchan, oo labaduba ah jilaa caan ah iyana maalmo ka hor la dhigay Isbitaal.

Amitabh Bachchan oo 77 jir ah, ahna boqorka Bollywood-ka kaasoo caan ka noqday adduunka oo dhan muddadii dheerayd ee uu jilaaga ahaa, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in laga helay Coronavirus hase ahaatee xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

Cudurkan ayaa faro kulul ku haya dalka India guud ahaan, waxaana ii haleelay dad boqolaal kun gaaraya, halka qaar kale oo badana ay u dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo laga dalbaday inuu Magdhaw ka bixiyo rayidka uu ku laayey Somalia

Caydiid Ali

Israa’iil oo tacadiyo xanuun badan ka geesaneysa Gasa xilli rejo laga qabo in…

Cabdi Cade

Golaha amaanka ee QM oo u codeeyey xubinimada 5 dal oo ay Somalia ku jirto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---