Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo ku laabtay Dhuusamareeb, wax yar ka dib markii uu.. (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray galabta Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug.

Waxaa Madaxweynahu uu Safar Dhulka ah kaga baxay Magaalada Cadaado isagoo sii maray deegaano kala duwan halkaas oo dadweynaha ku nool ay Madaxweynaha soo dhaweeyeen.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu Magaalada Dhuusomareeb u yimid ka qaybgalka shirka Dowlada Dhexe iyo Dowladaha Xubnaha ka ah kaasoo dhawaan ka furmaya Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Laabashada Axmed Madoobe ayaa ku soo beegantay wax yar ka dib markii uu Dhuusamareeb gaaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo aysan Axmed madoobe isku fiicneyn.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan Axmed Madoobe booqashada uu ku tagay Cadaado uu isaga mashquulinayey si uu uga baaqsado ka qeyb galka soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo loogu sameynayey Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wax ka beddelka iyo kaabidda Hindise Sharciyeedka Hey’adda Maaliyadda oo la ansixiyay

Cabdi Cade

Wasiirada iyo Xildhibaanada Beelaha Banaadiriga oo Digniin soo saaray

Cabdi Cade

Soomaaliya oo loogu deeqayo lacag gaareysa 48 milyan oo Euro iyo waxa lagu qabanayo oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---