Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo xil cusub loogu doortay shirweyne ka dhacay Garowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qayb galay Shirweynaha urur Siyaasadeedka KAAH oo lagu qabtay magaalada Garowe.

Deni ayaa shirweynahaas loogu doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Golaha dhexe ee Ururka ayaa sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash u doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa isna loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey sida bulshada Puntland ugu heelan tahay hanaanka Dimuqraadiyadda ku dhisan ee Xisbiyada badan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Dhuusamareeb oo uu galabta gaaray Madaxweyne Farmaajo, si uu uga qeyb galo shirka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada oo halkaas ku furmaya maalmaha soo socda kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubaland oo gacanta ku dhigtay shabakad dad ka tahriibinaysay Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoorqoor & Catriona Lainga oo kormeeray xarunta Q/Midoobay ee Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Banaan bax ka socda magaalada Baladweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---