Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Ciidamada oo Xukun adag ku riday Xudeyfa Daa’uud Yuusuf

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku riday Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim oo lagu helay in uu katirsanaa Alshabaab sidoo kale qarax ku xiray gaari yaalay magaalada Muqdisho.
Ninkan ayaana ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen xili uu qarax ku dhajinayay Gaari hor yiiley Meherad Ganacsi oo ku taal Isgoyska Zoobe , qaraxan ayaana waxyeelo nafeed geesan .
Xudeyfa ayaana 25-kii November sanadkii tegay  lagu soo wareejiyay Xarnta dambi baarista NISA, wixii intaas ka dambeeyay NISA ayaa baaritaan dheer oo la xiriir shaqadeeda ka guduatay, waxa ayna horreenta bishii Sedaxaad Sanadkan ku soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.
Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysane Xudeyfa Daa’uud Yuusuf loo gudibiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.
Baaritaana kale oo uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku go’aaminayo horgeyn Maxkamadeed ayay halkaas ka bilaabeen, waxa ayna ugu dambeyn ka codsadeen Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf 20-kii June bishii ina dhaaftay.
Shan cisha kadib Maxkamadda ayaa Ogolaatay in loo fariisto Garmaqalka Eedda ka dhanka ah Xudeyfa, waxa ayna Maxkamadda Ogolaatay 25-kii June Sanadkan.
Dhinacyada dacwadda oo ugu horreeyo Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la siiyay Fursad ay ku soo bandhigi karaan cadeymaha dambi Muujin ee Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida uu qabo hab raaca Sharciga Dacwadda.
Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha lagu soo qabtay isaga oo falka gacanta kula jiray Halka Qareenada ay ku dodeen in loo Naxariisto maadama ay tahay shaqadiisii ugu horreysay ee uu ku fashilmay cidina aysan wax ku noqon marka laga reebo bur bur hantiyadeed.
Ugu dambey Maxkamadda ayaa ku Xukuntay 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanaha ayaa haysta Fursada kale oo uu ku dalban karo Rafcaan Muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Habar gidir oo raali gelin siiyey kuwa K/Galbeed

Caydiid Ali

Nabad sugida Jubbaland oo fashilisay qaraxyo lagu aasay duleedka Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---