Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Faransiis ah oo weerar dhulka ah oo lagu dilay saraakiil katirsan Al Shabaab ka fuliyay …

Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe ka fuliyeen ciidamo Faransiis ah oo gacan ka helayay ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya.

Ciidamada Faransiiska iyo kuwa Soomaalida ah ee la socday oo watay diyaarado nuuca qumaatiga u kaca ayaa la sheegay in xalay ka degeen duleedka Jilib, ciidamadan ayaana la sheegay in ay doonayeen in nolosha kusoo qabtaan Saraakiil Al Shabaab katirsan.

Saraakiil katirsan kumaandooska Soomaaliya oo qeyb ka ahaa howlgalka ayaa laga soo xigtay in iska hor imaad kala kulmeen ciidamo ilaalo u ahaa saraakiisha la doonayay in lasoo qabto halkaasna uu ka dhacay dagaal labada dhinac dhax maray.

Waxa ay sheegeen saraakiishan katirsan milatariga Soomaaliya in howlgalka lagu dilay labo sargaal oo katirsan Al Shabaab iyo 16-kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa saraakiisha weerarka lagu dilay.

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin weerarkan la sheegay in xalay uu ka dhacay degmada jilib laguna dilay saraakiil iyo dagaalyahano kooxdooda katirsanaa , ma jiro sidoo kale ilo madax banaan oo warkan xaqiijiyay .

Ciidamada Faransiiska ayaana inta badan looga baran in ay fuliyaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab sanadihii ugu dambeeyay, waxaana Ciidamada Faransiiska howlgalo sanado kahor ka fuliyeen Degmada Buulo Mareer kasoo gaaray khasaaro nafeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacabka Tigrey oo loogu baaqay in hubka qaataan una diyaar garoobaan dagaal 

Cabdi Cade

Xidig caan ah oo usoo ciyaaray Arsenal iyo Barcelona oo ku biiray koox ka dhisan Jabuuti

Cabdi Cade

Tirada shacabka reer Falastiin ee ku dhintay Duqeymaha Israel oo la shaaciyay

Cabdi Cade