Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada Somalia oo Faah faahisay waxyaabaha lagu gorfeyn doono Shirka Dhuusomareeb

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Famaajo iyo wafdi la socda galabta gaari doonaan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo galabta u tagayo Dhuusomareeb si uu uga qeyb galo shirka Dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyaa xubnaha ka ah.

Waxa uu sheegay Agaasimaha in shirka ka dhacaya magaalada Dhuusomareeb lagu gorfeynayo wada shaqeynta Dowlad federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh.

Shirka ka dhacaya magaalada Dhuusomareeb ayaa noqonaya mid xasaasi ah oo isha lagu wada hayo, waxaana shirkan la filayaa in lagu shaaciyo nuuca doorasho ee xiligan dalka ka dhici karta iyo waliba waqtiga la qaban karo.

Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaana si toos ah uga wada hadli doona arimaha doorashooyinka oo ah qodobka ugu xasaasisan ee diirada lagu saari doono shirka ka dhacaya magaalada Dhuusomareeb.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqii Magaalada Beled-weyne oo xilka laga qaaday & mid cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidamada xasilinta oo saaka ka guuray qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

Somalia oo loogu deeqay lacag dhan $40 milyan iyo Xog ku aadan sida loo maareynayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---