Allbanaadir.com
NEWS

Nin dad badan ku laayay magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Gaalkacyo

Ciidamada booliiska Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay nin duleedka magaalada Muqdisho dhawaan ku laayay dad badan ay ku jirto xaas uu horey u qabay.

Ninkan ciidamada qabteen oo lagu magacaabo Aweys Cismaan Cabdi ayaa maalmo kahor deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahin, waxa uu ku dilay shan qof oo u badnaa kuwa isku qoys ah kadib markii weerar ku qaaday guri ay ku sugnaayeen.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka mudug Gaashanle dhaxe Qaasim Shirdoon Cali ayaa sheegay in ninkan gacan ku dhiiglaha xalay xili dambe soo galay magaalada Gaalkacyo, waxa uuna xusay in dabagal kadib ku guuleesteen in saakay soo qabtaan.

Waxa uu sheegay taliyaha in ninkan hada gacanta ku hayaan ciidamada booliiska lana baarayo, waxa uuna cadeeyay in la horgeyn doono sharciga si loogu qaado ciqaabta dambiga uu galay.

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa baadi goob ugu jiray ninkan dilka ka geestay Deegaanka Tabeelaha sheekh Ibraahim , waxaana suurto gal ah in ninkan gacan ku dhiiglaha ah la keeno magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir u dhaxeeyay Puntland iyo Beesha Caalamka oo Nairobi ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qiso Musuq ah oo dhexmartay Marxuum Jen. Max’ed Siyad Bare & Nin Xigtadiisa

Caydiid Ali

Ganacsade saakay lagu dilay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

admin
Taboola Ads ---