Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Turkiga oo soo saaray xeer walaac ku abuuray Soomaalida dalkaas ku nool

Dowladda Turkiga ayaa soo saartay xeer muwaadiniinta dalal badan oo waddankaasi dal-ku-galka dalxiiska ah ku galay u diidaya in sanad ka badan degganaashaha loo cusbooneysiiyo.

Soomaalida ku dhaqan waddankaasi kama mid ah dadka uu go’aankani qabanayo.

Sidoo kale, Sharcigan ayaa saameeyay muwaadiniin u dhashay dalka Jibuuti oo tiradooda lagu qiyaasay 70 qoys oo dalkaas ku noolaa sanadihii ku noolaa.

Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa maalgeshi ku sameeyey dalkaas, iyagoo abuuray mashaariic kala duwan oo isugu jira goobo, ganacsi, waxbarasho, kuwaasoo hadii loo cusboneysiin waayo sharciga ku qasbanaan doona iney ka baxaan dalkaas.

Soomaalida ku nool Turkiga ayaa arrintan si weyn u hadal haya, iyagoo ka fekeraya qaabkii arrintan loo xalin lahaa iyo talaabada xigta ee ay qaadi lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Madaxweyne Xaaf oo khudbad ka jeediyay Munaasabad ka dhacday Cadaado (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada Federaalka oo kahor timid mudo kororsiga Madaxda Galmudug Shaacana ka qaaday xiliga…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---