Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas dhaliil xoogan u jeediyey xubnaha Puntland ku metela aqalka Sare oo uu ku eedeeyey wax qabad la’aan iyo iney ka soo bixi waayeen kaalintii looga baahnaa.
Gaas ayaa hadalkan ka jeediyey shir looga hadlayey dastuurka dalka oo ka furmay Garowe wuxuuna intaas ku daray in sanadkii 2011-kii markii Dastuurka la sameynayay, maamulka keliya ee ku doodayay in la dhiso Aqalka Sare in uu ahaa Puntland balse taas aysan wax ka faaiidin.
“Lama rabin in la dhiso Aqalka Sare, waan qasabnay, laakiin hada waxba nama tarin, wax hadda uu noo soo kordhiyay ma jirto, Dagaal baan waxaan ku galnay inaan helno 11 xubnood, maadaama Dowlad Goboleedyada kale ay leeyihiin min 8 xubnood.” ayuu yiri Gaas.
Wuxuu sheegay inuu ku taliyay xubnaha Aqalka Sare ee Puntland inay u doortaan dad khibrad siyaasadeed leh isagoo tusaale u soo qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, balse waxaa uu sheegay iney gabeen howlihii Puntland u dirsatay haddana aanay meel ku sheegin.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay rag Aqalka sare ku metela Puntland oo uu gacantiisa ku qoray inay ka soo horjeesteen Mashaariic horumarineed oo laga fulinayay degaanada Puntland, wuxuuna tilmaamay in hada uusan waxba oraneyn hebel iyo hebel, balse uu la xisaabtamayo marka ay ku soo laabtaan Puntland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com