Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo la kulmay wafdi ka socday dowlad degaanka Soomaalida (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladd Deegaanka Soomaalida oo hoggaaminayo Wasiirka Tacliinta Sare iyo Seyniska Mudane Cabdullaahi Maxamed Muuse .

Wafdiga oo ay ka midyihiin Lateliyeyaal Madaxweyne , Guddooomiyaha Gobolka Doollo, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin hore ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal tacsi ah oo ay uga wadeen Madaxweynaha Dowladd Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Maxamuud Cumar, oo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya uga tacsiyadeeyay geerida Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Kulanku intuu socday waxaa sidoo kale laga hadlay horumarinta Iskaashiga dhinac walba ah oo dhexmara Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka booliiska oo bad baadiyay nolosha labo wiil oo halis ku jiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Agaasime KMG ah oo loo Magacaabay Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda DF

Caydiid Ali

Suuqa Casriga ah ee Hayat Market oo laga furay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---