Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khilaafkii Axmed Madoobe iyo Wasiir Oomaar oo lagu soo afjaray Garowe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Hotelka uu ka degan yahay Magaalada Garowe kula kulmay Wasiiro ka tirsan DF Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Siyaasiyiin, Isimada dhaqanka iyo xubno kale.

Wasiirka Duulista iyo Saadaasha hawada ee Somalia Maxamed C/llaahi Oomaar iyo Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumada Somalia Sadiiq Warfaa ayaa ka mid ah wasiirada uu la kulmay Axmed Madoobe.

Masuuliyiintan ayaa u tagay magaalada Garoowe ka qeyb galka aaska madaxweynihii hore ee Puntland iyo RW hore ee Somalia oo halkaas ka dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Oomaar oo ay isku heyb yihiin Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa Wasiiradii DF ee xanibaada socdaalka iyo duulimaadyada ku soo rogay magaalada Kismaayo intii lagu guda jiray doorashadii Axmed Madoobe ee ka dhacday Kismaayo.

Dowlada Somalia ayaa dhowaan shaacisay iney Axmed Madoobe u aqoonsatay madaxweynaha KMG ah ee Jubbaland, iyadoo horey u diiday iney aqoonsato dib u doorashadiisa inkastoo Axmed Madoobe uu ku gacan seyray, uuna sheegay inuu aheyn KMG balse uu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gantaalo dhimasho iyo dhaawac sababay oo lagu weeraray Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Sadex Qof oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Kristalina Georgieva oo taageertay dadaallada dowlada ee Qorshaha Deyn Cafinta (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---