Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada kiisaska cudurka COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya oo kordhay

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 19 qof oo cusub,  taasoo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 1,444.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 7, iyo Gobolka Banaadir 16 qof, taasoo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,106.

Bukaannada cusub 18 ka mid ah waa rag 5-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 93 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo mid kamid ah Dowladaha Islaamka ku eedeeyay been iyo Khiyaano

admin

Itoobiya oo soo bandhigtay Magacyada iyo Sawirada xubno katirsan Al Shabaab iyo Daacish oo…

Cabdi Cade

Faah Faahinta Heshiiska Taariikhiga ah ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiirrada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---