Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaaradda Caafimaadka DF oo amar cusub ku soo rogtay dadka ka dhoofaya Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DF ayaa ku amartay dadka dhoofaya in shahaadada safarka ee la xiriirta baarista COVID-19 ay ka qaadan karaan oo kaliya shaybaarka qaranka ee magaalada Muqdishu kaasoo ah xarunta kaliya ee haysata aqoonsiga baarista COVID-19 wadata tixraaca, sumada iyo shaambadda Shaybaarka dhexe.

Wixii intaas ka soo hara waxay Wasaarada Caafimaadka sheegtay iney u aqoonsantahay waxba kama jiraan sidoo kale baal marsan hanaanka baarista ee COVID-19.

“Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay goor walba diyaar u tahay inay u fududeeyso muwadiniinta dhoofaya wax alle wixii la xiriira baarista xanuunka COVID19 iyada oo la raacayo habraacyada qaran ee baarista Xanuunka COVID19, Dadka doonaya shahaadad safarka ee Covid-19 waxay tagi karaan goobaha baaarista ee kala ah Isbitaalka De Martino iyo Banaadir” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada

Sidoo kale, Wasaaraada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa sheegtay iney diyaarisay Hab online ah oo lagu hubinayo in shahaadada u muwaadinku wato inay kasoo baxday Sheybaarka Qaranka kaasoo lagu diyaariyay garoonka dayuuradaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xukun adag oo lagu riday sadex Nin oo ku lug lahaa Weerarkii Jaamacada Gaarisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Masuul Jaamacadeed oo dil loo geestay iyo booliiska oo baaris wada

Cabdi Cade

Imaaraatka oo ogolaaday in dalkooda lagu imaan karo Baasaboorka Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---