Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo Muqdisho ka baadi goobaya gabar loo maleenayo in la afduubtay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka baadi goobaya gabar 14-sano jir ah oo lagu magacaabo Maryan Cabduqaadir Cali Nuur oo labo maalin kahor la waayay warkeeda iyo meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

Taliye kuxigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Gabadhan yar loo maleenayo in laga afduubtay degmada Howlwadaag gaar ahaan Suuqa Bakaaraha oo ay adeeg ka doontay.

Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsatay in gacan ka geestaan baadi goobka gabadhaasi yar ee maqan, waxa ayna dadka ku wargalisay cidii xogta gabadhaasi hesha lasoo xariirto numberka gaaban ee booliiska 991.

Ciidamada booliiska ayaana la sheegay in ay wadaan howgalo ay gabadhan reerkeeda ka maqan ku baadi goobayo, walina si rasmi ah looma oga in gabdhan yar la afduubtay iyo in ay sabab kale u maqan tahay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Maxamuud Cabaas oo iska diiday qorshe uu soo bandhigay Madaxweyne Biden

Cabdi Cade

Xaalad adag oo lasoo daristay Wariye Raage Omar xilli uu war ka aqrinayay Telefishinka

Cabdi Cade

Kenya oo ku faantay inuu u hir galay qeyb kamid ah hadafkii ay u dhiseyn maamulka Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---