Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Madax kale oo lagu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland gaaray Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda maamulada Hirshablle iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha  kusoo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiinta kale ee la socotay.

Soo dhoweynta weftiga waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Weftiga la socda ayaa ka qayb gelidoona Aaska Qaran ee maanta Garawe loogu samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo cusub oo kamid noqonaya howlgalka ATMIS oo Soomaaliya loo soo diray

Cabdi Cade

Waare oo tababar u furay Boolis ka tirsan Maamulka Hirshabelle (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo gaaray degaanka Masjid Cali Guduud (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---