Amar kasoo baxay Wasaarada Duulista hawada ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si KMG ah loogu xiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne oo maalin kahor ku bur burtay diyaarad xamuul siday.
Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Baladweyne u tagay si ay baaritaano ugu soo sameeyaan shilka diyaaradeed iyo waxa sababay.
Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socotay ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne kula kulmay maamulka garoonka iyo saraakiil katirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Garoonka Ugaas Khaliif.
Agaasimaha Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo kamid ahaa masuuliyiinta tagay garoonka Ugaas Khaliif ayaa sheegay in si KMG ah u xirnaan doono garoonka si loo ogaado sababta bur burka diyaarada keentay.
Diyaarada ku bur burtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Badalweyne ayaa laga lahaa dalka Kenya, waxa ayna diyaaradan waday xamuul u rarnaa ciidamada AMISOM ee jooga Baladweyne.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com